18 Maroodi ayay biriq ku dishay India

Ugu yaraan 18 maroodiyaal duurjoog ah ayaa lagu dilay Bamuni Hills oo ka tirsan degmada Assam’s Nagaon ka dib markii ay Biriq ku dhacday habeenkii Khamiista.

NDTV ayaa soo warisay in ilo wareedyo ka tirsan waaxda keynta ee gobolka ay sheegeen in baaritaanka hordhaca ah uu muujiyay in xayawaanku u muuqdaan in aay dishaay biriqda.

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in hawlgal baaritaan ah laga bilaabay aaggaas sababta dhabta ah iyo tirada maroodiga ladilayna la ogaan doono waqtiga ku habboon.

Dhacdadu waxay ka dhacday Kandoli Proposed Reserve Forest (PRF) oo ku taal Kathiatoli oo ka tirsan qaybta Nagaon.

“Tuulooyinka maxalliga ah ayaa nagu soo wargeliyay dhimashada maroodiyaasha. Waxaan ku yaacnay meeshii oo waxaan aragnay iyagoo dhulka jiifa.ayuu yiri sarkaal kaynta ka tirsan.

Maamulaha guud ee ilaaliyaha keymaha (duurjoogta) Amit Sahay ayaa yiri, “aaggu waa mid aad u fog, kooxdeenuna halkaas ayey gaari karaan gelinka dambe ee Khamiista.

Waxaa la ogaaday in meydadku ay labaqeyb kala yahiin. Afar iyo toban ayaa taala buurta dusheeda, afarna waxaa laga helay buurta gunteeda hoose.

Ugu yaraan 147 qof ayaa ku dishaay biriq 10-kii maalmood ee la soo dhaafay dalka Hindiya, sida ay saraakiishu sheegeen maalinti Axad aheeyd, iyadoo loo aaneynayo cimilada qalafsan ee dhawaanta la timid isbedelka cimilada.

In kabadan 2,300 oo qof ayaa biriq ku dishay dalka Hindiya sanadkii 2018 sida laga soo xigtay xafiiska diiwaan gelinta dambiyada Qaranka, waana tiradii ugu dambeysay ee la helo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More