Ra’iisul Wasaare Rooble oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Jabuuti

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Djibouti, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen dhiggiisa Jabuuti Maxamed Cabdulqaadir Kaamil, Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka qeyb galaya caleemo saarka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Munaasabad caleema saarka Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu wadaa inay ka soo qeybgalaan madax kale oo ka tirsan wadamada qaarada Afrika iyo dalal kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More