24 qof oo ku geeriyootay daadad kusoo rogmaday dowlad deegaanka

Nov 08 (Jowhar.com)-Iyadoo roobab ay ka da’ayaan qeybo badan oo kamid ah deegaanada Soomaalida, ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ilaa 24 qof ay ku geeriyoodeen magaalooyin ka tirsan gobolada Shabeelle, Liibaan iyo Af-dheer ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya kadib markii ay biyo qaadeen dadkaas.

Xaafadaha qaar ayaa sidookale laga barakacay kadib markii ay fatahaado sameeyeen webiyada mara gobolladaas. Jidadka ayaa sidoo kale go’an, taas oo adkeyneysa in gargaar la gaarsiiyo dadkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More