Nasri Warsame oo looga adkaaday Kursiga xaafada 10-aad ee Minneapolis

Nov 08 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya dalka Mareykanka ayaa kusoo wqramaya in Nasri Warsame looga adkaaday Kursiga xaafada 10-aad ee golaha deegaanka Minneapolis.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, waxaa ka adkaatay Nasri oo kursigan ku guuleysatay gabadha asalkeedu Hindiga yahay ee Aisha Chughtail.

Nasri Warsame oo ah wiil Dhalinyaro Soomaaliya ayaa olole xoogan waday waayadan, isagoo Soomaalida iyo ajaanibta kaleba ka dalbanayay iney codka siiyaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More