Madaxweyne laftagareen oo la kulmay Safiirka Itoobiya ee dalka Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhabo kula kulmay Safiirka Dowlada Itoobiya u fadhiya dalka Soomaaliya Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi.

Kulankan dhax maray Madaxweyne Lafta Gareen iyo safiirka dowlada Itoobiya u jooga Soomaaliya ayaa looga hadlay arimaha doorashooyinka dalka , amaanka iyo sidoo kale xiriirka ka dhaxeeya Itoobiya iyo Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu safiirka kala hadlay sidii ciidamada Itoobiya gacan uga geesan lahaayeen sugida amaanka magaalada Baydhabo ka ay ka dhacayaan doorashooyin.

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa ku sugan deegaano iyo degmooyin katirsan Koonfur Galbeed, waxa ayna ciidamada gacan siiyaan ciidamada dowlada iyo kuwa Koonfur Galbeed ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Hase yeeshee maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Bakool ay dib ugu laabanayaan dhowaan dalkooda.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More