Doorashada Aqalka Sare Hirshabele oo dib uga bilaabatay maanta magaalada Jowhar

Mid ka mid ah kuraasta xildhibaanada Aqalka Sare ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar ayaa galabta ka bilaabatay magaalada Jowhar.

Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ayaa dib u bilaabay doorashada kursiga UH07 kadib markii xalay ay ku dhamaatay doorashada ka dhacaysay magaalada Jowhar buuq oo lagu kala tagay iyadoo aan lagu kala adkaan.

Kursiga la dooranayo maanta oo bilowday xilli galab ah ayaa waxaa ku tartamaya Xasan Iidow Muxumad Koboc iyo Cabdinuur Ibraahim Nuur kadib markii uu ka tanaasulay inuu ka qeygalo doorashada Senatarkii hore muddo afar sano ah ugu fadhiyay kursigan Cismaan Axmed Mocow.

Illaa 88 xildhibaan ayaa ku sugan hoolka doorashada sida uu shaaciyay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyadoo doorashooyinkii hore ay codeynayeen 98 xildhibaan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More