Ra’iisul wasaare Rooble oo guddoomiyay shirka tiirka arrimaha bulshada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka tiirka Arrimaha Bulshada oo looga hadlay mashaariicda lagu horumarinayo arrimaha bulshada.

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay qorshaha la tacaalidda isbeddelka cimilada iyo dhismaha xarunta Qaran ee gurmadka deg degga ah.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan guddoomiyay shirka tiirka dhaqaalaha oo Xafiiska hantidhowraha guud ee Qaranku ku soo bandhigay xogta dhaqangalka mashaariicda horumarineed ee dalka,halka Wasaaradda qorsheyntuna soo jeedisay nidaamka keydinta mashariicda ee AIMS.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More