Faafaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa shil gaari oo ka dhacay Somaliland

Waxaa faafaahin dheeraad ah ka soo baxaya shil gaari oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay oo xalay ka dhacay deegaanka Beer ee Bariga Burco.

labo qof oo haween ah ayaa ku geeriyootay 14-qof oo kalena waxaa ka soo gaaray dhaawac ka dib markii ay isku dhaceen labo gaari oo kala ah bas iyo Xaajiyad.

Afar ka mid ah dadka ku dhaawacmay shilkan ayaa xaaladooda aad u liidataa iyagoo la dhigey isbitaal ku yaal magaalada Burco. Mas’uuliyiinta maamulka oo dhacdadan ka hadlay ayaa tacsi u diray qoysaska dhibanayaasha.

Deegaanadan ayaa waxaa inta badan ka dhaco shilal gaari, kuwaas oo sababa dhimasho iyo dhaawac, soo gaaro dadka rakaabka ah, waxaana loo aaneeyaa in dawaralladu ay gaadiidka si xooggan ay u ka xeeyaan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More