Taliyihii Ciidamada Asluubta Puntland iyo ku xigeenkiisii oo xilka laga qaaday

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilalkii ka qaaday Taliyihii iyo Taliye xigeenkii Ciidanka Asluubta, Gen. Cali Nuur Cumar iyo Gen. Cabdullaahi Cismaan Liibaan, isagoo magacaabay taliyeyaal cusub.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland loogu magacaabay S/Guuto Bile Faarax Cali, halka Taliye ku-xigeenka 1-aad u magacaabay S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed (Gantaal).

Halkan Hoose ka akhriso wareegtada magacaabista

Garoowe: 17 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 38 ee November 17, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo
Wuxuu xeeriyey:

Waxaa S/Guuto Bile Faarax Cali loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.
Waxaa S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed (Gantaal) loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More