Doorashada Golaha Shacabka oo goor dhow ka bilaabanaysa Dhuusamareeb

Kuraastii ugu horeysay ee golaha shacabka qeybtii lagu dooranayay Galmudug ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto magaalada Dhuusamareeb.

Labada kursi ee maanta la dooranayo oo lambaradoodu kala yihiin HOP#026 iyo HOP#104 ayaa waxaa hore ugu kala fadhiyay Xildhibaan Ikraan Aadan Absuge iyo Mahad Cabdalla Cawad.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay iyadoo wadooyinka waaweyn ee magaalada la xirey.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu doorto saddex kursi magaalada Dhuusamareeb.

Doorashada Golaha Shacabka oo la qorsheeyay in dhamaadka bisha soo socota la dhameeyo ayaa ku bilaabatay gaabis iyadoo saddex maamul goboleed aysan weli shaacin bilaabashada doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More