Faransiiska iyo Jarmalka oo ku amray muwaadiniintooda inay ka baxaan Itoobiya

Dalal kale ayaa muwaadiniintooda u sheegay inay isaga baxaan dalka Itoobiya, halkaas oo uu sii xoogaysanayo dagaal sannad ka badan socday oo u dhexeeya ciidammada federaalka iyo ciidamada ka soo jeeda gobolka Tigrayga ee woqooyiga dalkaas, kaasoo u muuqda inuu waji cusub yeelanayo.

Raโ€™iisul wasaare Abiy Axmed ayaa goor dambe oo isniinti ah ku dhawaaqay inuu safka hore aadi doono Talaadada si uu u hogaamiyo askartiisa, isagoo ku dhawaaqay: “Waxaan hadda ku jirnaa heerkii ugu dambeeyay ee badbaadinta Itoobiya.”

Faransiisku wuxuu kula taliyay muwaadiniintiisa inay ka baxaan Itoobiya, Jarmalka ayaa sidoo kale ugu baaqay muwaadiniintiisa inay dalka ka baxaan duullimaadyadii ugu horreeyay ee ganacsi ee la heli karo, iyadoo la raacayo talooyin la mid ah oo ay siiyeen Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska toddobaadyadii la soo dhaafay, iyagoo sabab uga dhigaya xaaladda amniga oo sii xumaaneysa.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay si ku meel gaar ah u rari doonto qoysaska shaqaalaha caalamiga ah ee ka imaanaya Itoobiya, iyadoo intaa ku dartay in shaqaalaheeda ay sii joogi doonaan dalka.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan la soconno xaaladda, annaga oo maskaxda ku hayna ammaanka shaqaalaheenna iyo baahida loo qabo in aan sii wadno u istaagida iyo samatabbixinta iyo in aan sii wadno howlgallada iyo taageeridda dhammaan dadka u baahan gargaarkeenna,” ayuu yiri afhayeenka Stephane Dujarric.

Talaabadan ayaa timid iyadoo ciidamada Tigreega ay todobaadyadii la soo dhaafay sheegeen inay ku sii siqayaan caasimada Addis Ababa.

Inta badan waqooyiga Itoobiya waxaa hawada ka maqan isgaarsiinta waxaana la xaddiday gelitaanka saxafiyiinta, taasoo ka dhigaysa sheegashada goobaha dagaalka inay adagtahay in la xaqiijiyo.

Laakiin saraakiisha Addis Ababa ayaa ku adkaystay in ciidamada ammaanka, oo ay ku jiraan kooxaha dhalinyarada, ay ka shaqeynayaan xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida caasimadda waxayna u sheegeen bulshada dublamaasiyiinta inaysan ka welwelin.

Dowladda, ayaa ku dhawaaqday lix bilood oo xaalad degdeg ah, waxayna horey sidoo kale ku eedeysay kooxaha ka soo horjeeda inay buunbuuniyeen guulihii ay ka gaareen dhulkooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More