Booliska Uganda oo qabtay Soomaali qaraxyo la gashay hotel uu shir…

Ciidamada booliska dalka Uganda ayaa xabsiga dhigay afar qof oo Soomaali ah oo walxo qarxo la galay hotel lagu wado inuu toddobaadkan booqdo madaxweyne Yoweri Museveni.

Sida wararku ay sheegayaan, hoteelka qaraxyada lagu qabtay oo lagu magacaabo Speke Munyonyo ayaa qorshaha ahaa in Khamiista beri ah uu ka dhoco shirka golaha wasiirada, iyadoo uu gudoomin lahaa Yoweri Museveni.

Afhayeenka booliska Fred Enanga ayaa warfidiyeenka u sheegay iney wadaan barista shaqsiyaadkan gacanta lagu hayo, isagoo ka gaabsaday inuu bixiyo faah faahin ku saabsan sida kooxdan ugu suura gashay iney gudaha u galaan hoteelka iyagoo qaraxyo gawaari u saran yihiin.

“Kooxda wada-jirka ah ee ka hortagga argagixisanimada waxay gacanta ku hayaan afar qof Soomaali ah,” waxaa sidaas yiri Enanga oo la hadlay wakaaladda wararka AFP.

Saraakiisha amaanka ayaa wada su’aalo weydiinta afarta qof ee gacanta lagu hayo, iyagoo aan shaacin magacyada xubnaha la qabtay iyo iney xiriir la leeyihiin Shabaab ama Daacish oo dalkaasi qaraxyo dhowr ah hore uga geysatay.

Si kastaba, Booliska Uganda ayaa adkeeyey amniga dalkaas toddobaadyadii tegay kadib markii Uganda ay wajahday weeraro dhowr ah oo dhimasho leh, oo uu ku jiro weerar is-miidaamin ah oo dhacay toddobaadkii tegay, kaasi oo ay sheegatay kooxda Daacish.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More