Doorashada kursi ka mid ah kuraasta gobolada Waqooyi oo maanta lagu doortay Muqdisho

Mid kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ayaa saaka ka dhacday magaalada Muqdisho gaar ahaan Dugsiga tababarka Ciidamada Booliska Janeraal Kaahiye.

Kursiga oo sumadiisu tahay HOP272 ayaa waxaa ku tartamay Saddex Musharrax oo kala ahaa, Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar, Khadra Axmed Ibraahim iyo Cabdiqani Maxamed Maxamuud, hase yeeshee waxaa kursiga ku guuleystay Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar.

Magaalada Muqdisho ayaa sahalay waxaa lagu doortay illaa shan xildhibaan oo ka mid ah golaha shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More