Guddiga doorashooyinka oo diiday in lagu dhaqmo habraacii Madaxda Somaliland Doorashada Golaha Shacabka

Guddiga doorashada heer Federaal ayaa gebi ahaanba laalay habraacii doorashada ee ay hore u qorteen Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Habraacan ay soo saarteen ayaa ahaa mid ku koobnaa kaliya Doorashada Aqalka Sare, balse markii dambe ku darsaday habraaca doorashada Golaha Shacabka oo ka dhigayay inay iyaga maamulaan, maadaama Golaha Wadatashiga Qaran ay horay u soo saareen habraaca doorashada Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa sheegey in habraacaasi uu keliya ku koobnaa Aqalka-sare isla markaasna Golaha Shacabka Somaliland lagu maamulayo habraac lamid ah maamullada kale.

Go’aankaan ayaa mid meesha ka saaraya Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More