Ciidamada booliska Puntland oo Boosaaso ku qabtay gaari hub iyo saanad ciidan siday

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal gaar ah oo ciidamada booliska maamulka Puntland ay ka sameeyeen qeybo kamid ah magaalada Boosaaso, iyadoo bartilmaameedka howlgalka uu ahaa gaari xogtiisa la hayay.

Saraakiil kamid ah laamaha amaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamada ay gudaha u galeen garaash ku yaala magaalada, halkaasoo ay ka soo saareen gaari ISKA-ROGE ah oo lagu soo qariyay hub sharci daro ah iyo saanad ciidan.

” Gaariga Ciid ayaa kor looga soo raray, si loogu qariyo hubka iyo saanadda saaran si aan looga dareemin hubka uu sido, balse Ciidanku xogtiisa hayay ayaa ku guuleystay inay qabtaan ayuu yiri” Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada.

Lama oga ilaa iyo haatan cida uu hubkan u socday, wuxuuse ku soo beegmaya todobaadyo kadib markii ay dagaal dad badani ay ku dhinteen uu ka dhacay magaalada Boosaaso, kaasoo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo askar taabacsan taliyihii xilka laga qaaday ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Saraakiisha howlgalkan hogaamineysay ayaase sheegay iney durba heleen xogta shaqsiyaadka uu u socday hubkan, wallow ay ka gaabsadeen iney bixiyaan faah faahin intaas ka dheeri ah.

Magaalada Boosaaso waxaa duleedkeeda saldhigyo ku leh kooxaha Shabaab iyo Daacish, lamase oga in hubkan uu dhankooda ku socday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More