Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintii labaad galay iyo qodobada ugu adag ee maanta miiska saaran

Waxaa maalinta labaad galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee teendhada Afisyooni uga socda ra’iisul wasaare Rooble, madaxda maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, iyadoo qodobada shirka manta ay yihiin kuwo culus.

Doodaha la filayo in miiska la soo saari doono manta waxaa kamid ah arrinta ku saaban dib ugu laabashada heshiisyadii doorasho ee horay loo gaaray, gaar ahaan habraacyada qaar ama xitaa arrinta deegaan doorashada oo inta badan maamul-gobolleedyada ay u arkaan xalka fududeyn kara deg-degsiimada doorashada iyo amnigeeda, balse waxaa jira doodo kale oo ka soo horjeeday arrimahaasi oo ka imaan doona dhinaca kooxda madaxweyne Farmaajo.

Shirka oo shalay furmay ayaa maalintiisii koowaad ku koobnaa oo kaliya furitaan oo kaliya, balse maalmahan kale ayaa diirada lagu saari doonaa dardargelinta doorashooyinka, amniga iyo sixitaanka habraacyada doorashada.

Shirkan ayaa lagu balansanaa inuu dhoco 27-kii bishii hore ee December, balse waxa uu dib uga dhacay arrimo farsamo iyo khilaafaadka u dhexeeyay madaxtooyada iyo Xukuumada, iyadoo Kooxda Farmaajo ay ka dhinac wadeen shirk an ka dhan ah, kaasoo markii danbe fashilmay.

Waxaa jirta cabsi ku aadan in qoodbada ka soo baxa shirka ay ka hor-yimaadaan midowga musharixiinta mucaaradka ah, iyagoo haatan wada dadaalo ku aadan in hal maalin ay ka qeyb galaan fadhigan lagu jaangoynayo arrimaha doorashooyinka, taasoo u muuqata ineysan dheceynin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More