Aadan Madoobe oo ka laabtay xanibaadii xildhibaanada ee fadhiyada baarlamaanka
May 03 (Jowhar) Guddoonka Baarlamaanka ayaa ka noqday waraaq ay dhawaan Fadhiyada Golaha kaga xanibeen Mudanayaal Baarlamaan oo ka biyadiidsanaa hoggaaminta Afhayeenka Golaha Shacabka.
Ka laabashada ayaa timid kaddib culayso dublumaasiyadeed oo ay Ergada Beesha Caalamku saartay Sheekh Aadan Madoobe, waxaana Afhayeenka loo sheegay in la xalliyo dhammaan kala aragti duwanaanta ka dhexjirta Golaha ka hor Fadhiga soo socda.
Xildhibaannada laga qaaday Xanibaadda ayaa weli la aaminsayahay inaysan joojinayn diidmadooda hoggaaminta Afhayeen Aadan Madoobe, ilaa si rasmi ah looga laabanayo xasaanad ka xayuubintii uu Guddoomiye Aadan, Golaha Shacabka uga saaray Xildhibaan Cabdulaahi Xaashi Abiib oo metala gobolka Awdal.
Arrinta Xildhibaanka ayaa weli ah qodob taagan oo aan si dhammaystiran dhinacyadu uga heshiin, waxaana ay xildhibaannadu isku raacsan yihiin in ka hor Fadhiga soo socda laga laabto xasaanad ka xayuubinta lagu sameeyay.