Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday Safaarada Soomaaliya ee magaalada Doxa

Jun 18 (Jowhar)-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta booqday Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Dooxa.

Waxaa halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Qatar, Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo diblomaasiyiinta kale ee safaaradda.

Wasiir Fiqi ayaa ka dhageystay Safiirka warbixin ku saabsan habsami u socodka hawlaha shaqo ee safaaradda iyo adeegyada ay u fidiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa bogaadiyay dadaalka iyo hawlkarnimada madaxda iyo hawlwadeenada safaaradda, isaga oo kula dardaarmay inay sii laba jibbaaraan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen metelaadda dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqday Kulliyadda Ciidanka Lugta ee Ahmed Bin Mohammed Military College.

Waxaa si diirran u soo dhaweeyay Taliyaha Kulliyadda, Sareeyo Guuto Cali Maxamed Al-Fadaala, oo Wasiir Fiqi iyo wafdigiisa kusoo wareejiyay qaybaha kala duwan ee Kulliyadda, gaar ahaan goobaha lagu tababaro ciidanka, fasallada waxbarashada, iyo qaybaha maamulka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More