A Mooge;”Hanti ka badan 2 Bilyan oo Dollar ayaa ku gubatay”

April 03 (Jowhar.com) –Duqa magaalada Hargeysa Cabdikariim Mooge ayaa sheegay in qasaaraha ka dhashay dabkii qabsaday suuqa weyn ee Hargeysa ee Waaheen in uu gaarayo lacag dhan illaa $2 bilyan oo dólar.

Cabdikariin Axmed Mooge oo ah Duqa Hargeysa ahna xubin kamid ah Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Warbaahinta u sheegay in Guddigoodu uu qiimeynta hordhaca ah ku ogaaday khasaaraha ka dhashay dabka baabi’iyay Suuqa Hargeysa.

Waxa uu sidoo kale sheegay duqa magaalada Hargeysa in ay diyaariyeen koontooyin lacagaha deeqda ah lagu shubi karo si lavatory gacansiiyo ganacsatadii ku hanti beeshay Dabka Suuqa Hargeysa.

Dhanka kale waxaa weli socda dedaaladii gebi ahaanba lagu baqtiinayay dabka, laguna nadiifinayay burburkii weynaa ee ka dhashay.

Hawlaha gurmadka iyo tirakoobka ayaa weli socda, iyada oo dalal iyo hay’adaba ay ku lug leeyihiin ka jawaabista masiibadani.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More