Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo ka wada hadlay jadwaleynta doorashada madaxweynaha

May 01 (Jowhar.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo xubno la socday.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay kal-fadhiga Baarlamaanka ee loo balansan-yahay May 04,2022 in uu noqon doono mid wadajir ah, waxaana looga hadli doonaa arrimaha doorashada madaxweynaha dalka iyo miisaaniyada dowladda ee sanadkan 2022-ka.

Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale isla soo qaaday mudeynta maalinta ay noqoneyso doorashada madaxweynaha, iyadoo xubno kulanka ka qeyb galay ay sheegeen iney isku raaceen labada mas’uul in doorashada la dadajiyo oo aaney dhaafin bishan May, si looga faa’ideysto waqtiga yar ee harsan.

Gudoomiyaha cusub ee golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo shala xilka si rami ah ula wareegay kadib markii 27-kii bishan la doortay ayaa maalmahan waday kulamo kala duwan, isagoo la kulmay Farmaajo, Rooble, musharixiinta mucaaradka iyo siyaasiyiin, wuxuuna badankood kala hadlayay doorashada madaxtooyada iyo shqqada baarlamaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More