Shariif Sheekh Axmed oo ku guuleystay kursiga HOP146

May 01 (Jowhar.com) – Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, kadib doorasho boobsiis eheyd oo maanta ka dhacday magaalada Jowhar.

Shariifka oo sidoo kale ah musharax madaxweyne ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisu ay tahay HOP146, iyadoo codeynta kahor uu musharixii la tartamayay isaga tanaasulay tartanka.

Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa warbaahinta u sheegay in Shariif Sheekh Axmed uu helay codadka dhamaan ergadii codeyneysay oo ahaa 101 ergo, taasoo dhabaha u xaartay inuu ku sii biiro hay’ada sharci dejinta oo ay uga horeeyaan dhowr musharax madaxweyne.

Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta gaaray Jowhar, isagoo qaatay shahaadada musharaxnimo, daqiiqado yar kadibna waa uu tartamay oo sidaas ayuu Muqdisho ugu soo laabanayaa isagoo xildhibaan baarlamaan ah, iyadoo amnigiisa intuu Jowhar joogay ay sugayeen askar iyo saraakiil uu shalay halkaasi u diray, walow intii ay sii socdeen qarax lagula eegtay duleedka Balcad looga dilay kudhawaaad 10 askari.

Kursiga uu hantay Shariifka waxaa shantii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Wasiirka Amniga Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur, kaasoo tartanka isaga haray kadib markii beesha ay isku raacday in Musharaxan Madaxweyne loo xiro, waxaana jira balanqaadyo loo sameeyay Ina Maxamed Nuur.

Guushiisa kadib, Shariifka ayaa lagu soo dhaweeyay madaxtooyada Hirshabelle, halkaasoo uu kulan kula yeeshay madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo ku amaanay kaalintiisa qabsoomida doorashada kursigan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More