Aadan Madoobe oo 3 qodob kala hadlay gudoomiyaha baarlamaanka Belgium

Oct. 18 (Jowhar.com) -Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta la kulmay dhigiisa dalka Belgium-ka Marwo Eliane Tillieux, oo ku soo dhaweysay xarunta baarlamaanka ee Brussels.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada dalka Belgium Marwo Eliane Tillieux, ayaa wafdiga uu hoggaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadcelisay inay booqda xarunta baarlamaanka Belgium iyadoo ballan qaaday in la xoojin doono xirirka saaxiibtinimadda labada Baarlamaan, iyagoona iska kaashanaya dhanka aqoonta, horumarinta iyo tayada shaqaalaha BJFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyey waxaana uu dhankiisa ballan qaaday inay kawada shaqeeyaan horumarinta baarlamaanka aqoon kororsiga xildhibaannadda iyo howlwadeennada Golaha Shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More