10 Shabaab ah oo lagu dilay xadka Hiiraan iyo Sh.Dhexe.

Oct. 18 (Jowhar.com) -Warrarka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyo deegaanka ah ay waddada u galeen kolonyo Al-Shabaab ah oo maraysay xuduudda uu gobolkaaasi la wadaago gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana la soo weriyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu soo gaaray dagaalamayaasha Al-Shabaab ee jidka loo galay.

Weerarkan waxa uu si gaar ah uga dhacay Deegaanka Xalfooleey oo kaabiga ku haya Ceelbaraf oo gobolka Sh.Dhexe ah, Wararka waxay sheegayaan in 10 kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab lagu dilay weerarkaas.

Sidoo kale ciidamadda dowladda ayaa gacanta ku dhigay gaari Candhameydle ah oo la sheegay iney wateen dagaal yahanada Shabaab, waxaana socda baaritaano ay laamaha amaanka ku wadaan waxa laga damacsanaa gaarigaas.

Si kastaba, Ma jiro wax war oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More