Afhayeenka guddiga doorashada oo sheegay in aan doorashada loo hakin doonin doorashada Garbahaarey

Afhayeenka guddiga dorashada heer-federaal Axmed Aadan Safiina ayaa sheegay in haddii kooramku buuxsamo ay dooranyaan guddoonka baarlamanaka iyo madaxweynaha oo aan loo joojineyn khilaafka siyaasadeed ee Garbahaarey.

Safiina afhayeenka guddiga doorashada oo wareysi siiyay laanta afka soomaaliga ee Bbcda ayaa sheegay in magaalada Garbahaarey ay caqabad ku ahayd doorashada dalka.

“Runtii caqabadda ka jirta Garbohaareey waa caqabad siyaasadeed, doorashadana waxa halkaa soo gaarsiiyay khilaafka halkaa ka jira waxaad ogeeydeeen shirarkii Dhuusamareeb kow, laba iyo saddex qaarna ay fashilmeen qaarna ay guuleysteen, khilaafka ugu weyna waxa uu ka taagnaa kuraastka lagu soo dooranayo ilaa haddana xal siyaasadeed oo dhameystiran lagama gaarin welina waa lagu kala aragti duwan yahay.”ayuu yiri Safiina.

Afhayeenka ayaa ku goodiyay in qabashada doorashada Madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ay dhici doonto haddii kooramka baarlamaanka uu buuxsano.

“Guddiga Doorashada haddii aanu nahay Kooramka haddii uu inoo buuxsamo xildhibaannadaasna aanu xal laga gaarin caqabad dalka ku sii ahaan maayaan khilaafyadaasi oo horay ayaa looga sii soconayaa, doorashada Guddoonka iyo kan madaxweynahana waa la dooranayaa.”ayuu sii raaciyay.

Doorashada Soomaaliya ayaa mareysa meel xasaasi ah iyadoo kuraas badan ka doortay oo qiyaas ahaan gaaraya boqolkiiba konton iyo shan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More