Saddex xildhibaan oo maanta lagu doortay magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ayaa maanta oo jimce ah lagu qabtay doorashada saddex kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka.

Kursiga Koowaad ee Hop#132 ayaa waxaa lagu doortay Cadar Xareed Jibriil kadib markii ay u tanaasushay Ifraax Cabdiqani Yuusuf.

Kursiga labaad ee Hop#092 ayaa waxaa loo doortay Kheyre Saadaq Cabdullaahi Cabdi kadib markii uu u tanaasulay Cabdullaahi Aadan Cabdi oo la tartami lahaa.

Ugu dambeyn Kursiga Saddexaad ee Hop #023 ayaa waxaa ku guuleysatay Nasro Mahdi Caraale kadib markii ay tanaasushay Sahro Cabdi Cilmi.

Saddexdan kursi ayaa ahaa mid aan lagu tartamin waxana gacantaag lagu doortay xildhibaanada cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More