Agaasimihii Madaxtooyada Qaranka oo is casilay

Aug. 05 (Jowhar.com)-Waxaa soo baxaya warar lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in uu iscasilay Soomaaliya Dr. Xuseen Sheikh Maxamuud .

Wararka ayaa sheegaya in is casilaadiisa ay tahay arrin shakhsi, iyadoo loo badinayo inuu isu soo sharxo madaxtimnimada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Agaasime Xuseen oo saaxibo dhow ahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh, door weyn ku lahaa ololihiisa ayaa xilka Agaasimaha Madaxtooyada loo magacaabay 23 May 2022, markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu Xafiiska la wareegay.

Siyaasigan oo horey usoo noqday Senator ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii madaxweyne Laftagreen albaabada ka xirtay una diiday in ay tartamaan doorashadii Baydhabo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More