Faahfaahin qarax saaka ka dhacay magaalada Jowhar

Qarax xoog leh oo laga maqlay inta badan magaalada Jowhar oo saaka ka dhacay maqaaxi ku taal xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar ayaa waxaa ku dhintey mid kamid ah nabadoonada magaalada Jowhar halka labo xildhibaan ay ku dhaawacmeen.

Nabadoonka ku dhintey qaraxa ayaa waxaa la oran jirey Cabdulaahi Saleymaan Cumar oo ku magac dheeraa Cowsey hase yeeshee waxa dhaawacyo ay ka soo gaareen labo xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda magaalada Jowhar ee ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle.

Guud ahaan dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa gaaray shan ruux waxaana ka mid ah saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa cambaareeyay qaraxan maanta ka dhacay magaalada Jowhar iyadoo xildhibaanada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle ay tahay markii saddexaad ay ku dhaawacmaan qarax ka dhacay magaalada Jowhar.

Hore ayaa shan xildhibaan ugu dhaawacantay qaraxyo lala beegsaday magaalada Jowhar bilihii la soo dhaafaymhase yeeshee waxa uu qaraxan ku soo beegmay iyadoo inta badan xildhibaanada Hirshabelle ay ku maqan yihiin fasax.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More