Akhriso Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare

April 21 (Jowhar.com) -Guddiga doorashada guddoonka aqalka sare ee Baarlamanka Somalia ayaa soo saaray liiska musharaxiinta isku soo taagay doorashada gudoomiyaha golahaas iyo labadiisa ku-xigeen.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in Guddoonka Golaha Aqalka Sare ay isku soo sharraxeen 12 Murashax oo mid ka mid ah ay tahay dumar.

Doorashada xubnaha gudoonka aqalka sare ayaa lagu wadaa iney ka dhacdo magaalada Muqdisho 26ka bishan Apriil.

Murashaxiinta Xilka Guddoomiyaha:

1.Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi
2.Senator Saalax Axmed Jaamac

3.Senator Cismaan Obokor Dubbe

Murashaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad

1.Senator Cabdixakiin Macalin Axmed
2.Senator Cali Shacbaan Ibraahin.

Murashaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad

1.Senator Ilyaas Badel Gaboose,
2.Senator Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag)
3.Senator Cabdullaahi cali Xersi
4.Senator Sareedo Maxamed xasan
5.Senator Xasan Xuseen xaaji
6.Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade)
7.Senator Cabdi Cismaan Xareed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More