Al Bashiir oo ka baxsaday Xabsiga aadka loo ilaaliyo Kober ee Khartuum!

Apr. 24 (Jowhar.com)-Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa ka baxsaday xabsiga aadka loo ilaaliyo ee Kober oo ku yaalla Khartuum.

baxsashadiisa waxaa lala xiriirinayaa in ay taageerayaashiisa caawiyeen ama la laaluushay ilaalada Xabsiga.

Golaha Milatariga ayaa ku dhawaaqay baadi goob iyo soo qabasho deg deg ah.

tan iyo 2019kii markii la afgambiyay waxaa uu ku jiray Xabsigan aadka loo ilaaliyo.
inkasta oo Golaha Milatariga aysan ku wareejin Maxkamadda the Hague, haddana ICC ayaa dalbatay in loo gacan geliyo si loo maxkamadeeyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More