Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkii lagu dilay xildhibaan Aamina.

Mar 24 (Jowhar.com) –Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weeraro is xig xigay oo xalay ka dhacay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ka socotay doorasho.

Qoraal ka soo baxay kooxdan ayaa lagu sheegay in laba qarax ay ka fuliyeen magaalada, qaraxa koowaad oo lagu dilay xildhibaan Aamina ayey sheegeen iney lka geysteen gudaha xerada Lama Galaay, halka Qaraxa labaad isna uu ka dhacay banaanka xerada, halkaas oo lagu beegsaday ciidamo iyo saraakiil gurmad ahaa oo soo gaaray xerada markii uu dhacay qaraxii koowaad.

Dhowr iyo toban qof oo isugu jiray yaasiyiin u sharraxnaa xildhibaanimo, mas’uuliyiin ka tirsan DFS iyo kuwa HiirShabelle oo ay ku jiraan xildhibaano hadda jooga iyo kuwa hore, waziiro ka tirsanaa xukuumadihii dalka soo maray ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxyadaas oo mar kaliya bedelay jawigii magaalada.

Si kastaba, Sheegashada Al-Shabaab ayaa imaneysa ayada oo siyaasiyiin badan iyo shacab ay ku eedeeyeen Villa Somalia inay ka dambeysay dilka xildhibaan Aamina oo aheyd gabar aad ugu ololeysay inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More