Sanbaloolshe;”Qaraxa lagu diley Aamino Maxamed waxa uu ahaa mid siyaasadeysan”

Mar 24 (Jowhar.com) –Agaasimiii hore ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsuggida ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ku tilmaamay qaraxii xalay lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi uu ahaa mid siyaasadeysan oo la qorsheeyay.

Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ka mid ah musharaxiinta u tartamaysa mid ka mid ah kuraasta taal magaalada Beledweyne oo wareysi siiyay laanta afka soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in qaraxyada ka dhacay xalay magaalada Beledweyne ay ku dhinteen dad ka badan labaatan ruux soddomeeyo kalana ay ku dhaawacmeen.

“Qaraxa Aamino lala beegsaday waxa uu mid loogu talogalay in lagu qaarijiyo Aamino oo ahaa mid siyaasadeysan.”ayuu yiri Sanbaloolshe.

Waxa sidoo kale uu sheegay Sanbaloolshe in qaraxyadan kuwo lagu doonayo in lagu qalqal geliyo doorashada.

“Waxa ay yihiin qaraxyada kuwo lagu abuurayo qalqal doorashooyinka ka socda Beledweyne dib u dhac uga yimaada ama dadka qaarkii sida ay jeclaayeen aysan wax u socon oo niyad jab uu hayo.”ayuu sii raaciyay.

Dadka ku dhintey qaraxii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka mid ahaa Xasan Dhuxul oo u sharaxnaa kursiga HOP58 horena u soo noqday xildhibaan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More