Al-Shabaab oo qarxisay ceelal iyo xarumaha isgaarsiinta deegaanno ka tirsan Galgaduud.

Sept. 01 (Jowhar.com)-Dagaal yahanada kooxda Al-shabaab ayaa xalay qarxisay matoorada ceelasha biyaha, baraago iyo xarumaha isgaartiinta magaalooyinka Maarsamage iyo Cadokibir oo hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galguduud.

Sida ay VOA u xaqiijiyeen ilo wareediyo ku sugan deegaanka ma jiro khasaare nafeed oo ka dhashay weerarka ay Al-shabab xalay kusoo qaaday magaalooyinkan.

Deegaannadan oo markii horeba ay ka jirtay biyo la’aan la xiriirta ceelasha oo ku yar iyo baaxadda abaaraha ayaa hada wajahaya dhibaato dhinaca biyaha ah.

17-kii bishii June ayay aheyd markii degmada Baxdo Al-shabaab looga dilay ugu yaraan 100, sida ay sheegeen masuuliyiinta Galmudug, kaddib markii dadka deegaanka iyo ciidamada Galmudug oo is garabsanaya ay ka hortageen weerar ay Al-shabaab ku soo qaadday.

Wixii markaas ka dambeeyay ayay dadka deegaannada ku dhow Baxdo waxay sheegeen inay la kulmayeen hanjabaadyo iyo cunaqabateyn uga imaaneysay dhinaca Al-shabaab, kuwaas oo ay ka mid yihiin deegaannada qaarkood ay ka jareen isgaarsiinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More