Wararkii u danbeeyay khasaaraha madaafiic lagu garaacay qeybo kamida Muqdisho.

Sept. 01 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay tiro madaafiic ah oo aroortii hore ee saaka ku soo dhacay qeybo kamjd ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in amdaafiicfan oo gaarayay ikaa saddex ay ku dhaceen xaagado ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaala degmooyinka Xamarweyne iyo Boondheere.

Hoobiye ku dhacay xaafadda Casa Italia ee degmada Xamarweyne waxaa ku dhintay 1 qof, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmeen tiro kale, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Sidoo kale waxaa agagaarka Iskuulka Wiilwaal ee degmada Boondheer ku dhacay hoobiye kale oo ay ku dhaawacmeen illaa 4 qof, halka hoobiyaha saddexaadna uu ku dhacay  agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon, kaas oo la soo wariyey in uusan geysan khasaare.

Ciidamada amniga oo sameeyay howlgalo balaaran ayaa ku guul dareystay soo qabashada ragii ka danbeeyay madaafiicdan, iyadoo ku soo beegantay maalmo yar kadib narkii 20 qof ah ku dhaawacantay madaafiic dhawaan lagu garaacay qeybo kamid ah Xamar Jajab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More