Al Shabaab oo war ka soo saartay hadal ka soo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh.

July 08 (Jowhar.com)-Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay war dhawaan ka soo yeeray madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo uu ku sheegay in kooxda Al-Shabaab ay lacagaha canshuuraha ah ee ay ka qaado gudaha Soomaaliya u dirto dalalka Mozambique iyo Nigeria, oo ay ku maal-galiso kooxaha argagixisada ee ka dhisan dalalkaas.

Bayaan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in hadalka madaxweynaha uu yahay “sharaf dhac” waxayna ku eedeeyeen madaxweynuhu inuu fulinayo siyaasad gumeysi oo looga faa’idaysanayo Kheyraadka Soomaaliya.

“Hadallada Xasan Sheekh waxay caddeyn u yihiin inuu fulinayo danaha gumeystaha, uuna shirkado shisheeye iyo danahooda ka hormarinayo danaha shacabka Soomaaliyeed,qorshe midaysan oo ay Itoobiya, Imaaraatka Carabta iyo Turkey ku doonayaan inay dhulka iyo hantida Soomaaliya ku boobaan.” ayaa lagu yiri bayaanka Al-Shabaab.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan laga sugayo inuu isbedel ku sameeyo taliyayaasha ciidamadda ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo duulaan ka dhan ah Shabaab, si deegaanada ay wadanka uga harsan yihiin looga saaro, iyadoo kooxda aaney culeys weyn la saarin Shantii sano uu dalka maamulayay madaxweynihii hore Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More