Ra’iisul wasaarihii Japan Shinzo Abe oo u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

July 08 (Jowhar.com)-Raysul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa la sheegay inuu u geeriyooday dhaawac daran oo soo gaaray ka dib markii lagu toogtay goob ay ka dhacaysay xaflad ku saabsan olole siyaasadeed.

Mr Abe ayaa labo jeer la toogtay xilli uu khudbad ka jeedinayay magaalada koonfureed ee Nara subaxnimadii hore ee saaka, iyadoo dowladda Japan ay ku dhawaaqday geeridiisa.

Isla markiiba dhulka ayuu ku dhacay, waxaana loola cararay cusbitaalkii ugu dhowaa. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay isagoo dhiig baxaya.

Laamaha ammaanka ee goobta ku sugnaa ayaa gacanta ku dhigay ninka lagu eedeynayo inuu gaystay toogashada geerida isu rogtay oo 41 sano jir ah .

Shir jaraa’id oo uu qabtay isaga oo murugaysan saacado ka dib, ra’iisul wasaaraha iminka xilka haya ee dalka Japan Fumio Kishida ayaa waxaa uu ku sheegay in Mr Abe uu geeriyooday.

Wuxuu sidoo kale cambaareeyay weerarka, isagoo yiri: “Waa mid wuxuushnimo iyo xaasidnimo ah, lamana dulqaadan karo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More