Alshabaab oo sheegatay in lixdan askari oo ka tirsan ATMIS ay ku dileen Ceel baraf

May 03 (Jowhar.com) –Alshabaab ayaa sheegatay inay ku dishey askar gaareysa 59 oo ka tirsan ciidamada ATMIS weerar ay saaka waaberigii ku qaaday saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Sh/dhexe.

Bayaan ay soo saareen ururka Alshabaab ayaa lagu sheegay in dagaal xoogan kadib, ciidamada Alshabaab ay la wareegeen saldhiga ayna ku dileen illaa 59 ka tirsan ciidamada ATMIS.

“Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxa ay wadaan howlgalo lagu sii baacsanayo cadowga ay suuragal ah inay tirada dhimashadu sii kororto, waxayna soo gudbin doontaan tafaasiil dheeraad ah”.ayaa lagu yiri bayaan ay Alshabaab soo saareen.

Ma jiro illaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay ATMIS iyo maamulka Hirshabelle,hase yeeshee wararka ka imanaya deegaanka Ceel Baraf ayaa sheegaya in dad badan oo rayid ah ay waxyeelo ka soo gaartay weerarkii saaka waaberigii ay Alshabaab ku qaadeen saldhigga ay ciidamada ATMIS ku lahaayeen Ceel baraf.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More