Alshabaab oo xukun dil ah markale ku fuliyay labo ruux

Alshabaab ayaa markale xukun dil ah ku fuliyay labo ruux oo mid kamid ah lagu eedeeyay inuu fara xumeeyay wiil 5 sano jir ah.
Falkan toogashada ah ayaa waxa uu ka dhacay fagaaro kuyaal degaanka Kamsuuma oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

labada Nin ayaa Al-Shabaab waxaa ay sheegeen in mid kamid ah uu katirsanaa Ciidamada Maamulka Jubbaland halka midka kale ay ku eedeeyeen in uu faraxumeeyay Wiil 5 Sano jir ahaa.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer fagaaro ku toogtay dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen dowladda Soomaaliya, waxaana maalin ka hor degmada Jamaame ku toogteen Nin ay ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo mid ay ku eedeeyeen in uu ku Shaqeeysan jiray Sixirka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More