Arday Indho La’ oo ku guuleystey Tartanka Quraanka Akhris oo lagu qabtay Masjidka Cali Jimcaale

Mar. 30 (Jowhar.com)-Tartanka Quraanka Kariimka ee Bisha Ramdaan oo loo qabtay ardayda deeqda waxbarasho ee hormuud Salaam Foundation oo maanta lagu qabtay masjidka cali jimcaale.
Masaajidka Cali Jimcaale ayaa maanta marti galiyay tartanka quraanka kariimka oo loo qabtay ardayda wax ku barata deeqda waxbarasho ee HSF, qeybahooda  kala duwan

Munaasabadaa waxaa maalgelisey Hay’adda Samafal ee Hormuud Salaam Foundation, waxaana gacan ka siiyey qabsoomideeda Xarunta Xifdinta Quraanka ee Cali Jimcaale.

Ardeyda tartameysey waxaa aay u kala tartamayeen sadex qeybood oo kala ah, 30ka jus, 20ka iyo 10ka Jus ee quraanka kariimka
Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Abdullahi Nur Osman, oo furey munaasabada ayaa sheegey in banaamijkaan tartanka xifdinta Quraanka aay qaban doonaan sanad kasta bisha Ramdaan, hada wixii ka danbeeya waxuunana ardeyda kula dardaarmey ineey Quraanka bartaan  kuna dhaqmaan, Gudoomiyaha ayaa sheegey in ay doonayaan in ardeyda wax ku barata Deeqda waxbarsho ee Hormuud Salaam Foundation ay noqdaan dad wanaagsan oo ka qeybqaata wanaajinta dalkeena Somaliya .

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Sh Abdiraxiin Yuusuf oo ah maamulaha Xarunta Xifdinta Quraanka ee Cali Jimcaale, waxaana uu ku dheeraadey muhiimada aay u leedahay xifdinta quraanka qofka bani,aadanka, waxuuna ardeyda ku dhiiri geliyey ineey quraanka si fiican u xafidaan, ugu toosnaadaan.

Gudoomiye ku xigeenka hormuud salaam foundation oo munaasabada ka hadlay ayaa ku amaanay ardada ku tartamayay quraanka kariimka isagoo ku booriyay dhalinyarada kale inay ku dadaalaan barashada iyo xifdinta quraanka kariimka.

Gabagabadii ayaa waxaa goobta lagu gudoonsiiyey lacago kala duwan ardeydii gashay kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad sidoo kalana la abaalmariyay dhamaan tartamaashii ka qeyb qaatay tartanka quraanka kariimka, iyadoo ay xusid mudantahay Cabdulahi Maxamed Nuur oo ah ardayga kaalinta koowaad galay tartanka uu ahaa arday qaba baahiyaha gaarka ah oo araga la’.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More