Ruushka oo xiray saxafi Mareykan ah Evan Gershkovich oo lagu eedeeyay basaasnimo

Mar. 30 (Jowhar.com)- Saxafi Maraykan ah oo lagu magacaabo Evan Gershkovich ayaa lagu xiray dalka Ruushka, waxaana lagu eedeeyay inuu basaasnimo u shaqeynayay wargeyska Wall Street Journal.
Wariyahan oo ahaa mid khibrad u leh arrimaha dalka Ruushka, waxa uu ka shaqaynayay magaalada Yekaterinburg markii la soo xirayay.
Aqalka Cad ayaa si adag u dhaleeceeyay xariggiisa .Hase yeeshee Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay in lagu qabtay “gacmo-casaan” laakiin wargeyska Wall Street Journal ayaa si adag u beeniyay eedeymaha isaga ka dhanka ah.

Mr Gershkovich, oo 31 jir ah, waxaa aad looga yaqaanaa wariyeyaasha ajnabiga ah ee ku sugan Moscow.
WSJ waxa ay sheegtay in wariyaheedu uu joojiyay xiriirkii uu la lahaa tafatirayaashiisa isaga oo ka shaqaynayay Yekaterinburg, oo qiyaastii 1,600km (1,000 mayl) bari kaga beegan Moscow, galabnimadii Arbacada.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in darawalka Mr Gershkovich uu sheegay inuu geeyay goob maqaayad ah, labo saacadood kadibna uu taleefoonkiisa la xiray.

Waaxda ammaanka ee Ruushka ee FSB ayaa sheegtay in wariyaha la xiray isagoo ku dhaqmaya amarrada Mareykanka,uuna aruurinayay macluumaad lagu sifeeyay sirta dowladda ee ku saabsan dhaqdhaqaaqa shirkad difaaca Ruushka ah.
Wakiilada FSB ayaa maanta u gudbiyay maxkamada degmada Lefortovo ee Moscow, halkaasoo si rasmi ah loogu xiray laguna amray inuu sii xirnaado ilaa 29ka May.

Basaasnimada Ruushka waxa uu qofka lagu helo mudan karaa xarig gaaraya 20 sano.
Wakaalada wararka ee Tass ayaa ku warantay in wariyaha uu beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay. Ka dib waxaa la arkayay iyadoo laga soo galbiyay dhismaha ka hor inta aan la kaxeynin.

Qaybtiisii u dambaysay ee WSJ, ee la daabacay toddobaadkan, Evan Gershkovich waxa uu ka warbixiyey hoos u dhaca dhaqaalaha Ruushka iyo sida Kremlin-ku uu ula tacaali lahaa kharashyada millatariga iyada oo la ilaalinayo kharashka bulshada.

Evan Gershkovich ayaa waxa uu Ruushka uga warramayay wargeyska Wall Street Journal in ka badan hal sano, isagoo horay uga soo shaqeeyay wakaaladda wararka ee AFP iyo Moscow Times. Waxa uu shaqadiisa ka bilaabay Maraykanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More