Askar walaalo ahaa oo ku dagaalantay Muqdisho iyo khasaarae ka dhashay

May 05 (Jowhar.com)– Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay qeybo kamid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, iyadoo dagaalka oo mudo daqiiqado ah socday uu cabsi ku beeray shacabka ku nool xaafadaha degmadaasi.

Dagaalkan oo u dhexeeyay ciidamo milatari ah ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Tarabuushka, iyadoo dhinacyada dagaalantay ay isku qabteen muran salka ku hayo dhismaha guri uu sameynayay askari Milatari ah, iyadoo gurigaasi la sheegay inuu dhaxal qoys ahaa.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in dhinacyada dagaalamay ay ahaayeen walaalo gaar ahaan ilmo adeero, iyadoo dirirta dhexmartay ay sababtay dhimashada laba askari iyo dhaawaca laba kale, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba waa hal qoys oo kaliya.

Saraakiil ay kamid yihiin taliyha saldhigga Wadajir iyo kan qeybta Galbeed ee booliska ayaa tagay halka lagu diriray, iyagoo soo qaaday meydadka iyo dhaawaca askarta geeriyootay, halka ay sidoo kale soo xireen askarta kale ee dagaalka qeybta ka eheyd, iyadoo xaalada haatan ay tahay mid degan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More