Gudoomiye Cali Shacbaan oo goob joog ka ah doorashada gudoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha.

May 05 (Jowhar.com)– Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim ayaa furay kulankii ugu horreeyay Guddiga isku dhafka ah ee ka shaqaynaya Doorashada Madaxwaynaha JFS oo maanta iska dhex dooranaya Guddoomiyaha Guddigaas.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshiroow iyo labada Xoghaye ee Baarlamaanka.

Murashaxiinta Xilka Guddoomiyaha.

1.Xildhibaan Maxamed Axmed Beereey
2.Senator Cabdiqani Geele Maxamed.
3.Senator Cabdi Ismaaciil Samatar.

Murashaxiinta Guddoomiye ku xigeenka.

1.Senator Ibraahim Owgaab Cismaan
2.Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed
3. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimoow

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More