Guddoomiyihii Baarlamaanka Koofurgalbeed oo la siiyay shahaadada Musharaxnimo ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cali Saciid Faqi ayaa la guddoonsiiyay shahaadada Musharaxnimo ee Kursiga tirsigiisu yahay Hop187.

Dr. Cali Faqi ayaa la sheegayaa inuu ka mid ah dhowr qof uu Farmaajo u rabo Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, waxaa haddii Cali Faqi uu si rasmi ah isku soo taago Musharaxnimada Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa uu bilow u noqon doonaa loolanka xilkaas.

Hore ayaa qaar kamid ah golaha wasiirada maamulada Koofurgalbeed iyo Puntland ay uga mid noqdeen golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More