Axmed Madoobe iyo kuxigeenkiisa oo Kismaayo ku qaabilay Danjire Catriona Laing

June. 17 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka koobaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo masuuliyiinta Madaxtooyada ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay la yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo la xiriira xaalada guud ee dalka.

Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha amniga iyo bilowga Wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada oo diyaar garoowgiisu uu maraya meel gabo gabo ah, xasilinta deegaanada la xoreeyay iyo gaarsiintaa gargaarka dadka ku tabaaloobay masiibooyinka dabiciiga ah iyo isbadalka cimilada aduunka.

Waxaa kale oo laga hadlay heshiiska madasha wadatashiga qaranka ee dalka loogu jiheeyay Doorashooyin dadweyne Sanadka soo socda iyo tageerada beesha Caalamka ee dhinacyada kala duwan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Madaxweynaha uga mahad celisay soo dhawaynta diiran ee ay kala kulantay Dowlada Jubaland iyadoo sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay timaado Jubaland oo ay ugu danbaysay sanadkii 1992dii isla markana ay ku aragtay isbadalo badan oo dhinaca hormarka.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa u mahad celiyay Danjire Catriona Laing iyo wafdigeeda booqashada ku yimid Jubaland isagoo xusay in wada hadalo miro dhal ah ay ka yeesheen dhinacyo badan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dagaalka Al-Shabaab Wajiga labaad si fiican loogu diyaar garoobayo isla Markana dhawaan uu bilaabanayo.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu xusay in loo baahan yahay in xasilinta deegaanada la xoreeyay ahmiyad gaar ah la siiyo si adeegyada aas aasiga ah loo gaarsiiyo dadka halkaas ku nool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More