Deni oo xilkii ka qaaday Wasiirkii ugu awooda badnaa Puntland Cabdi Samad Gallan.

Jun. 17 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa xil ka qaadis ku sameeyay wasiirka amniga maamulkaasi Cabdi Samad Galan oo kamid ahaa mas’uuliyiinta ugu awooda badan maamulkaasi.

Deni ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday Cabdiweli Mire Xirsi oo ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeeynta Puntland

Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa loogu eedeeyay mas’uuliyiintan xil gudasho la’aan, sida qoraalka lagu cadeeyay.

Arrintan ayaa cirka sii galineysa xiisada ka taagan magaalada Garoowe, iyadoo warar soo baxaya ay tilmaamayaan im xubnahan ay la hadli doonaan warbaahinta iyagoo diidan xil ka qaadista.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More