Axmed Madoobe oo dhankiisa ka bilaabaya kacdoonka ka dhanka ah Shabaab.

Sept. 18 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jubaland Ahmed Mohamed Islaam ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga soo doortay Jubaland iyo qaar kamid ah xubnaha Xukuumada ku matala Dowlada Jubaland.

Kulankan ayaa ahaa kala warqaadasho iyo dardaaran uu Madaxweynahu la qaatay masuuliyiinta kala duwan ee Jubaland ku matala Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii xildhibaanada iyo xubnaha kale ee Jubaland ku matala Dowlada Federaalka ah ay ugu soo noqon lahayeen deegaanka isla markana ay ugu kuur gali lahayeen dadaalada socda iyo howlgalada dhawaan bilaabanaya ee lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kalaba ku casuumay kulan wadatashi ah oo bartamaha bisha soo socota ka dhacaya Jubaland isla markana lagu eegi doono dadaalaada miro dhalka ah iyo howlgalada lagula dagaalamayo argagixisada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More