Muuse Biixi oo si kulul uga Jawaabay hadalkii Xasan Sheekh Maxamuud.

Sept. 18 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga hadlay hadal uu dalka Mareykanka ka sheegay madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo ahaa ineysan marnaba aqbaleynin in Somaliland ay ka go’do soomaaliya inteeda kale.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Xasan Sheekh aan waxba laga weydiineynin qadiyada gooni isu taagooda, isagoo tilmaamay in mudo 30 sano ah ay yihiin qaran madax banaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Xasan Sheekh iyo Xamar nin joogo waxba laga weydiin maayo qaddiyadda Somaliland, 30 sanno qaran madax bannaan ayeynu nahay,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi oo boqolaal dad ah la hadlayay ayaa dhinaca kale shaaciyay in hadalka ka soo yeeray Xasan Sheekh Maxamuud uu abuurayo cadaawad horleh oo dhex-marta Soomaaliya iyo Somaliland

“Hadalkaa aad tiri cadaawadduu kordhinayaaa aqli xumana way tahay 30 sanno ayeynu kala maqneenee waxaa ka wanaagsanaa inaad tiraahdo oo ku leenahay laba dowladood oo jaar ah oo walaalo ah oo Soomaaliyeed ma ahaanaa?” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Biixi.

Si lastaba, Somaliland ayaa 18-kii bishii May ee 1991-dii ku dhawaaqday in ay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale, balse majiro ilaa iyo haatan wax dal ah oo aqoonsaday, iyadoo caalamla ay ula macaamiltamaan sida maamul goboleed ka mid ah Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More