Axmed Madoobe oo Muqdisho kula kulmay Qaar ka mid ah Isimada SSC

June. 01 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan Qado Sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Garaadada SSC ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka tagaan Gobolka Sool, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida bulshada deegaanka.

Garaadada Dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka ka socda Gobolka.

Waxaa Madaxweynaha Jubbaland kulanka ku weheliyay Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Wasiiro katirsan Xukuumada iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.a\

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More