Soomaaliya oo soo dhaweysay Ansixinta Warbixinta ku biiritaanka Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC)

June. 01 (Jowhar.com)-Dowlada Soomaaliya ayaa soo dhaweysay ansixinta madaxda xubnaha ka ah Suuqa Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ay ku ansixiyeeen warbixin ay hordhigeen Guddiga Qiimeynta Codsiga dowlada Soomaaliya ay u gudbisay EAC.

Madaxda Waddamada Bariga Afrika, ayaa dib kaasoo dib u eegis ku sameeyay warbixintii laga soo gudbiyey Soomaaliya, shir-madaxeedka 21-aad ee aan caadiga ahayn ee 31-kii May lagu qabtay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi.

“Qaadashada warbixinta xaqiijinta ayaa ah arrin xusid mudan iyo marag madoonto ah in Soomaaliya ay diyaar u tahay oo ay u dhameystiran tahay inay ku biirto EAC. “ayaa lagu yiri War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay mahadcelin iyo bogaadin u soo jeedinaysaa madaxda dowlad goboleedyada iyo xoghaynta guud ee bulshada Bariga Afrika war-murtiyeedka laga soo saaray , waxayna xaqiijinaysaa go’aankeeda iyo rabitaankeeda ku aaddan inay gasho wadahadallo miro dhal ah oo soo dadajin kara xaqiijinta EAC ee xubinnimadeeda iyo si rasmi ah. “ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka.

Halkan hoose ka Aqriso War Saxaafadeedka ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More