Premier Bank oo ka howlgalaya Kenya kadib markii uu la wareegay Bankiga First Community Bank

Jun. 01 (Jowhar.com)-Premier Bank, oo ah hormuudka hay’adaha maaliyadeed ee Bariga Afrika, ayaa si rasmi ah uga hawlgalaya dalka Kenya, kaddib dib u qaabeyn iyo magac-baddel uu ku sameeyay shirkad hoosaadkiisa First Community Bank. Gelitaanka Premier Bank ee suuqyada Kenya ayaa timid kadib markii uu ku guulaystay inuu la wareego saamiga ugu badan ee Bankiga First Community Bank oo la eg 62.5%, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo ka tarjumaysa himilada Premier Bank ee ah inuu adeegyadiisa iyo joogitaankiisa ku ballaariyo gobolka.
Arrintan ayaa ka dhigan horumar iyo waa cusub oo udhashay kobaca dhaqaalaha iyo maaliyad loo dhan yahay oo ka hanaqaadda dalka Kenya, iyadoo laga faa’ideysanayo khibradda iyo agabka Premier Bank. Tallaabadan istiraatijiga ah ayaa sidoo kale xoojineysa in macaamiisha gobolka, gaar ahaan kuwa ku nool dalalka Soomaaliya iyo Kenya, ay helaan adeegyo bangi oo heersare ah. Dadaallada Bankiga ayaa loogu gol leeyahay fududeynta lacag-dirista degdegga ah iyo adeegga xawaaladaha qurba-joogta, maalgashiga tooska ah ee ajaanibka, iyo taageeridda hindisayaasha horumarineed ee saaxiibbada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Premier Bank, mudane Jibriil Xasan, ayaa bogaadiyay ballaarintan waxa uuna yiri: “La wareegiddan iyo inaan durbaba ka shaqa billaabeyno dalka Kenya oo aan ku yeelaneyno farac kale waxay sawir guud ka bixineysaa ka go’naanshiyaheenna kobcinta dhaqaalaha gobolka iyo maaliyad loo dhan yahay oo ka hirgasha Bariga Afrika. Waan ku faraxsannahay iskaashigan wanaagsan, waxaana ku han weynnahay inaan gaarsiinno adeegyadeenna heerka sare ah suuqyada Kenya.”

Hannaanka la wareegidda ayaa la hubiyay in loo maray qaab sharci ah iyadoo la buuxinayo dhammaan shuruudaha iyo habraacyada loo baahan yahay, si loo xaqiijiyo nidaamyada maaraynta maaliyadeed ee adag iyo u hoggaansanaanta shuruucda bangiyada ee labada dal. Bangigu sidoo kale waxa uu u hoggaansamay dhammaan shuruudaha maaliyadeed ee ka hortagga lacag dhaqidda.

Bangiga cusub ee lala midoobay waxa uu ku hawlgali doonaa magaca Premier Bank, isagoo sii wadi doona bixinta adeegyo dhammeystiran, oo isugu jira adeegyada bangi ee shakhsiga ah iyo kuwa ganacsiga, amaahda, iyo adeegyada maareynta hantida. Macaamiishu sidoo kale waxa ay ku heli doonaan adeegga macaamiisha ee Premier Bank sida ugu wanaagsan iyo fursadaha bangiyada dhijitaalka ah ee cusub.

La wareegiddan ayaa waxay astaan ​​u tahay istaraatiijiyadda Premier Bank ee ah inuu isku ballaariyo adeegyadiisana ku fidiyo suuqyada bangiyada Bariga Afrika, waxa ayna saldhig xooggan u tahay mustaqbalka Bangiga ee Gobolka, iyadoo ujeeddadu tahay in la kordhiyo is-dhaafsiga ganacsiga iyo xoojinta xiriirka maaliyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ku saabsan Premier Bank

Premier Bank, oo fadhigiisu yahay Muqdisho, waa bangi ganacsi oo si gaar ah loo leeyahay, waafaqsan shareecada Islaamka kana hawlgala Soomaaliya tan iyo sannadkii 2013. Waxaa sharciyeeyay oo uu Shati ka heystaa Bangiga Dhexe ee Soomaaliya sannadkii 2014. Premier Bank waxaa ka go’an inuu horumariyo maaliyadda loo dhan yahay iyo kobaca dhaqaalaha.

Bangigu waxa uu bixiyaa agab iyo adeegyo bangi oo kala duwan si loo daboolo baahiyaha shakhsiyeed, ganacsi, iyo bulsho ee Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More