Baarlamaanka oo 7 maalin gudeheed go’aan uga gaaraya mudo kororsiga baarlamaanka iyo madaxweynaha

Mar. 03 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in guddiga gaarka ah ee ka kooban Labada Aqal ee baarlamaanka 11-aad oo loo xilsaaray meelmarinta mudo kororsiga baarlamaanka 11-aad iyo Madaxweynaha DFS uu yeeshay kulan xasaasi ahaa.

Sida wararku sheegayaan, kulanka oo dood adag laga yeeshay ayaa laga soo saaray go’aano dhowr ay oo ay kamid yihiin;

1- In baarlamaanka 7 maalin gudahood fadhi wadajir ah ay ku horgeeyaan in mudo xileedka Dawladda laga dhigo 5 sano oo ka bilaabanaysa May-2022.

2- In Warbaahinta lahadalkeeda iyo doodaha ka dhasha kajawaabidooda loo daayo Raysalwasaare kuxigeenkii hore Mahdi Max’ed Guuleed, oo isagu difaacaha noqon doona.

97 xildhibaan ayaa mooshinka kordhinta saxiixay, kaas oo lasoo bilaabay qoridiisa AUGUST-2022.

Dhinaca kalena waxaa socda olole ay wadaan mudanayaal ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka iyo siyaasiyiin kale, kuwaasoo doonaya iney is-hortaag ku sameeyaan talaabadan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More